النشرة البريدية

بالاشتراك في النشرة البريدية يصلك جديد الموقع بشكل أسبوعي، حيث يتم نشر مقالات في جانب تربية النفس والأسرة وقضايا الأمة والمرأة والتاريخ والدراسات والترجمات ومراجعات الكتب المفيدة، فضلا عن عدد من الاستشارات في كافة المواضيع والقضايا التي تهم المسلمين.

Subscription Form

Berri waa carafah maalinka Quluubta Allah kali yeeshay cibaadadana

Berri waa carafah: maalinka Quluubta Allah kali yeeshay cibaadadana u barax-tirtay.

Waad ka gaabisay tar-tankii! Waad mashquushay mise waad hilmaamtay ama waad xanuunsatay, waxay doonto ha noqoto,e  sababta kuu diiday in aad dadaasho intii hore ee bisha dil-xajah ee barakeesan, berri waa maalin wayn oo heeybad leh! Yuusan dhaafin qof mu’min ah.

U diyaar garoow cibaadada adigoo la imaanaya qalbi daacad ahoo Allah isku dhul-dhigaya.. adigoo niyadda ku haaya tilmaamahaan sharafta leh:

Maalinka carafo waa maalinka ay soo dagtay aayadda:”Maantaan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan.” [1] Waxaa ku sugan saxiixaynka (bukhaari&muslim): in laga wariyay cumar ibnu khaddaab Allaha ka raali noqdo,e : in nin ka mid ah yahuudda uu ku yiri:mu’miniinta amiirkoodiyoow, waxaa jirto aayad ku sugan kitaabkiina taasoo aad aqrisaan, hadii ay nagu soo dagi laheeyd waxaanu ka dhigan laheeyd maalinka ay soo dagtay ciid. Markaas buu cumar yiri: waa aayaddee? Waxa uu yiri:”Maantaan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idiin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan.” Markaas buu cumar yiri: waan garaneeynaa maalinkaas iyo halka nabiga lagula soo dajiyay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e: waxaa lagu soo dajiyay nabiga asigoo taagan carafah, maalin jimco ah.

Maalinka carafo waxa ay ciid u tahay dadka taagan Buurta Carafah waxa uu yiri nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e : “maalinka carafo, maalinka gowraca iyo ayyaamu tashriiqa(hilib waradka) waa ciideena hadaan nahay islaamka ehelkiisa, waa maalmo cunid iyo cabid ” ~Waxaa wariyay ahlu sunan.

Maalinka carafo waa maalin uu Allah ku dhaartay wayninkiisa waa maalinka marqaatiga laga yahay ee ku sugan hadalka Allah ee ah:” Iyo shaahidka (waa Nabiga s.c.w ee arka waxa lagu fali mu’miniinta)iyo kuwa la arko (mu’miniinta loo caddabyo Ilaahay Dartiis).” [2] Tafsiir kale: Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi oo ummadda ah.” Tafsiir kale: Mid marag furi oo carafo ah iyo mid lagu marag furi oo ah maalinka qiyaamaha [3]

Maalinka carafo waa Maalinka kisiga ah ee uu Allah SWC ku dhaartay kaasoo ku sugan hadalka Allah ee ah:”Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).”[4] Waxa uu yiri ibnu cabbaas: dhabanku waa maalinka udxiyadda, kisiguna waa maalinka carafo. Sidaasna waxaa qaba cikrimah iyo daxaak.

Maalinka carafo waa mid ka mid ah maalmaha tobanka ah ee uu Allah ku dhaartay, asigoo nagu baraarujinaya wayninkeeda iyo qiimaha sare ay leedahay, Allah waxa uu yiri :( Iyo habeennada tobanka ah)[5]* Waxa uu yiri ibnu cabbaas Allaha ka raali noqdo,e: waxaa laga waddaa tobanka dil-xijah. Sidoo kale Waxa uu yiri ibnu kasiir: Qeexidaas waa mid saxan.

Soonka la soomo maalinka carafo waxaa lagu danbi dhaafayaa labo sano, waxaa laga wariyay Abii qataadah Allaha ka raali noqdo,e in nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e la waydiiyay soonka maalinka carafo markaas buu yiri: “waxaa lagu danbi dhaafayaa sanadkii tagay iyo sanadka soo socda” ~Waxaa wariyay muslim ° waxaana wanaagsan in uu soomo qofka aan xajinayn.

Maalinka Carafo Waa maalinka uu Allah Ballanka ka qaaday ubadka nabi Aadam  waxaa laga wariyay ibnu cabbaas Allaha ka raali noqdo,e in uu yiri: waxa uu yiri nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e:” Allah SWC waxa uu balanka ka qaaday iyagoo ku jira aadam dhabarkiisa asigoo ku sugan carafah, waxa uuna dhabarkiisa kasoo saaray jiil kasta ee uu abuuray, waxa uuna ku firdhiyay hortiisa sidii kuusha, Kolkaas ka dib buu la hadlay Iyagoo kasoo horjeeda waxa uuna ku yiri :” Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa[172]Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?[173] [6] ~Waxaa wariyay Axmad waxaana saxiixay Al-baani ma waxaa jira maalin ka wayn?! Mise waxaa jira ballan ka wayn ballankaas?!

Maalinka carafo waa mid ka mid maalmaha la garanayo, kuwaas oo uu Allah ku sheegay kitaabkiisa, waxa uu yiri Allah SWC :”Inay joogaan (u yimaadaan) waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan”[7]* Waxa uu yiri ibnu cabbaas Allaha ka raali noqdo,e: maalmaha la garanayo waa: Tobanka bisha dil-xijah.

Maalinka carafo waa tiirka xajka ee wayn, sida uu yiri nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e:” xajku waa carafo”  ~waa la isku raacay.

Maalinka carafo waa maalinka danbi dhaafka, waana maalinka naarta la iska xoreeyo, waxaa ku sugan saxiixeeynka(bukhaari iyo muslim): In laga wariyay caaisha Allaha ka raali noqdo,e in nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e uu yiri:” ma jiro maalin uu Allah uga naar xoreeyn badanyahay adoomadiisa  maalinka carafo, Allah waxa uu usoo dhawaanayaa kadibna uu ugu faanayaa malaa’ikta kolkaas buu leeyahay: kuwaani maxay doonayaan? Sidoo kale ibnu cumar waxa uu ka wariyay nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e in uu yiri:” Allah sarreeyee waxa uu ugu faanayaa malaa’ikta galabta maalinka carafo Adoomadiisa taagan carafah, markaas buu leeyahay:”Eega adoomadeeyda waxeey yimaadeen iyagoo boorreeysan( habaas uu ka muuqdo) ~Waxaa wariyay Axmad.

Maalinka carafo waa maalinka ducada, Waxaa laga wariyay nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato,e in uu yiri: baryo Allah la baryo waxaa ugu kheeyr badan ducada maalinka carafo, waxaana ugu kheeyr badan waxaan dhahay aniga iyo nabiyadii iga horreeyayba ee ah: “Illaah Xaq lagu caabudo  ma jiro Allah kaligii mooyaane, asiga ayaa iska leh maamulka koonka , Asiga ayeeyna mahadi u sugnaatay, asiga ayaana ah Allaah wax waliba awooda”.

Waxa uu yiri ibnu cabdil-barr Allaha unaxariisto,e: Arinkaasi waxaa ku sugan cadeeyn sheegaysa Qiimaha ay dheertahay maalinka carafo maalmaha kale.

Allahayoow adigaan ku ajiibnay, adigaan ku ajiibnay allahayoow Koonkaan adigaa iska leh cid kula wadaagto malahan, Allahayoow adigaan ku ajiibnay.

Taasi waa yeerid ay ku dheehantahay towxiidka…

 Qalbiyaduna ahaan maayaan kuwa Saafi ah toowxiid la’aan.

 Qofku hadii uusan sameeyn Wax cibaado ah maalmahaan fadliga badan inta aan ka aheeyn in uu Allah kaliya uu u barax-tiro Towxiidka Intaas ayaa ugu filan cibaado…

Allahyoow waxaanu nahay adoomadaada, waxaana nagu fulaya wixii aad noo qortay, kheeyrka iyo caddaaladuna waxeey ku suganyihiin waxii aad noo qortay, Allahayoow waxaanu kuugu baryeeynaa magac kasta oo aad leedahay, mise aad ku xustay kitaabkaaga (Qur’aanka), mise aad bartay qof ka mid ah adoomadaada, Allahyoow ka yeel Qur’aanka kariimka ah mid quluubteena qaboojiya, murugta iyo wal-walkana naga tira, Allahayoow waxaanu kaa magan galeeynaa in ay naga tagto nimcadaada iyo in aan sameeyno wax aad ka xanaaqdid, Allahayoow waxaan ku waydiisaneeynaa kheeyr iyo dheeraad wanaagsan.

[1] Suurada maaidah aayada 3aad

[2] suurada Buruuj aayada 3aad

[3] Tafsiir Al-dabari

[4] Suurada Al-fajr aayada 3aad

[5]Suurada Al-Fajr aayada 2aad

* Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).

[6]Suurada Acraaf Aayadaha 172/173 aad

[7] Suurada Xajj Aayada 28aad

* Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah.

-Maqaalka asalka ah ee ku qoran luqada carabiga waa:

غدا عرفة: يوم القلوب الموحدة المخلصة

-Waxaa tarjumay:

Ummu Cabdillaah

Berri waa carafah maalinka Quluubta Allah kali yeeshay cibaadadana -pdf-

النشرة البريدية

بالاشتراك في النشرة البريدية يصلك جديد الموقع بشكل أسبوعي، حيث يتم نشر مقالات في جانب تربية النفس والأسرة وقضايا الأمة والمرأة والتاريخ والدراسات والترجمات ومراجعات الكتب المفيدة، فضلا عن عدد من الاستشارات في كافة المواضيع والقضايا التي تهم المسلمين.

Subscription Form

شارك
Subscribe
نبّهني عن
guest

0 تعليقات
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x